Sunday, December 28, 2008

SOCDAALKEYGII DALKA SHIINAHA(QEYBTII KOWAAD)

QEYBTII KOWAAD
Waxan marka hore salaan u gudbinayaa dhamaan asxaabta dhan, iyo eheladeyda ka dib. in badan ma aanan ku qorin afka somaliga blogaan iyadoo ey sabab u tahey asxaabteyda badankooda eysan fahmeyn, afka soomaliga waa luuqada aan u jeclahey luuqadaha dhan maxaa yeelay waa luuqadeyda hooyo. inta badan waxan ku luuqeya luuqada ingriiska oo ah luuqada labaad aan sida wanaagsan ugu hadli karo hadaad taas ka soo gubo waxa ka faaloonayaa isbadalka nolasheyda qaas ahaan u soo waregeyga dalkan shiinaha, hada waxaan halkaan jooga mudo 4 bilood, wadankaan waa wadan aad iyo aad u hor marey qaasatan xaga dhismaha ama technolojiga casriga ah. markaan ka soo degay garoonka weyn ee beijing waxaan la kulmey wax yaabo badan oo aad iiga cajabiyo sida qaabka ey u baarayaa dadka sharciyadooda inaad wadato dokuminti sharciyeysan iyo iyadoo eysan qaadaneyn mudo dheer, waxey iga qaadeen sharcigeyga oo in badan ey baarayeen maxa yeelay dadka somalida waa dad inta shiinaha u isticmaala transit ayagoo u dhuunto wadamada reer galbeedka. garoonka gudihiis waxa kugu diyaar ah shaqaalo loo carbiyey soo dhoweynta reer galbeedka iyo kugu caawinayo qaabkii aad ku heli laheyd halka aad doneyso, inta aan gudaha garoonka aan ku jirey ayaa waxaa iga cajabiyey qaab dhismeedka garoonka inta loo isticmaaley technolija casriga sida darbiyada oo wada murayado ah, isgaarsinta oo aad loo fududeyey, kuraasta lagu sugo diyarada oo ah kuwo ku nasinayo, waxan heystey mudo dhan hal habeen ah oo aan ku nasto magaalada beijing anigoo ku soo jeeda magalada shanghai oo ah halka uu safarkeygu ku ekyahey. ayaad ayaan u daalanaa oo inaan nasto ayan doonayey marka waxan so qaatey taxi oo aan ku imid hotelka aan seexanayey, inta aan u soo socdey hotel ayaan waxan fursad u helay inaan eego magaalada gudaheeda, qaas ahaan saraha dhadheer iyo wadooyinka. dadka ayaad moodaa ineysan jirin wax shaqqeyo oo ey fasax tahey maxaa yeelay tiro dadka aan ku arkayey wadooyinka ayaa aad u fara badneyn. wadooyinka ayaa ah kuwo aad loo qurxiyey aadna u waasac san, tagaasida ayaa ku badan iyagoo buuxi dhaafinaya dhariiqyada. waxan imid hotelka oo ahaa mid qaali ah balse markaas ma anan garneyn qidmada lacagta wadanka, 6 subaxnimo ayan ka tagey hotelka si aan ugu duulo magaalada shanghai. magaalada shanghai ayaa sidoo kale ah mid aad u qurux badan, waxaan imid 10 kii subaxnimo xili ey qoraxdu aad u kululeyd. garoonku kama yareysan midkan ka soo degay ee beijing, wadankan dadka inta badan waxey ku hadlaan luuqada shiinaha balse inta badan airportka iyo xafiisyada waweyn waxad la kulmeysa shaqalo kula luuqeya luuqada ingriiska kuwaas oo ku caawinayo. waxan la kulmey mid ka mid ah shaqaalaha in ey iga caawiso taxi aan ku tago hotelka aan ku degayey, taksiilayaasha inta badan kuma hadli karan luuqada ingriiska marka hadii aadan heysan ciwaanka ama addresska halka aad dooneysa aad ayaad oogu dhibaatoneysa. waxaan u soo socdey hotelka 30 daqiiqo anigoona la kulmin traffic ama ciriiri xaga wadada, wadooyinka ayaa waasac ah balse markaan imid bartamaha magaalada ayaan waxan arkayey baabuurta oo is cariiryayaa. shanghai waa magaalo aad qurux badan hadane aadna u foolxun, maalmihii igu horeysey ayaa waxa iga cajabiyey markaan ku socdo dariiqyada dadka deegaanka oo aad ii eegaya iyagoo mararka qaarkood iskey wada tusayaan amaba u istaagayaan si ey ii daawadaan. waxaa igu adkaatey inaan dhex qaado dariiqyada amaba isticmaalo gadiidka, waxey igu dhalisey fikir badan iyo wahsi. qofka madowga ah ayaa wadankaan waxa loogu yeeraa (khey ren) iyadoo micnaheeda tahey qof madow, marka mararka ka soo adeeganayo suuqyada waaweyn ayaan waxaa dhagaheyga ku soo dhacaan erayadaas iyagoo xitaa ku soo far fiqayo. inta badan dhalin yarada uma badno erayadaas balse dadka imanaya gobolada ama da weynta. waxaa kaloo ka yaabinaya dariiqyada magaalada ayaa inta badan ku arkeysa biskileeti iyo motooyin aad u fara badan oo mararka qaarkood cariiri galinaya babuurta waaweyn, dadka inta badan tabarta yar iyo ardeyda ayaa aad u isticmaala iyagoo ka dhigta gaadiid ey ku tagaan hadba meesha ey doonayaan, xiliyada laga soo rawaxayo shaqada ama iskuulada ayaad ku arkeysa wadooyinka tiro aad u badan oo biskileeti iyo motooyin.

No comments: