intaan imid dalkan waxyaabo badan ayaa nolasheyda ku so kordhey xag waxbarasho iyo xag waayo aragnimo bo, Hooyo dalkan waa dal aad u weyn oo ey ku noolyihiin qoomiyad aad u fara badan, wax walbo waa ey ka duwanyihiin dunida inteeda badan oo badanaa wax walbo waa u gaar, maalintaan ka so degay garoon diyaaradaha ee beijing waxaa laga jooga kudhowaad sanad. waxey aheyd socdaalkii ugu dheera aan dal shisheeye ku aado maxaa yeelay kenya iyo shiinaha waa labo dal oo aad u kala fog waxaana u soo safrey mudo 24 saacadood, waa safar aad u daal badan. shiinaha waa wadan aad u foojigsan oo ka shaki qabo cid walbo oo shisheeya ah iyagoo si diiran kuu soo dhoweynayo ayey hadane si taxadar leh kugu eegayan, dadka madow ah ayagu logama shaki qabo hab siyaasadeed balse musuqmasuq kale ayey iskaga ilaaliyaan sida daroogoyinka iyo Dhuumaleysi ey ku tagaan wadanmada yurub. markaan ka soo gudbey qeybta baarida anigoo aad u daalan ayaan u soo dhadhacey meesha looga baxo garoonka si aan u aado hodhel. waxan la kulmey dhibaato xaga luuqada oo dalkani badankiisa kuma luuqadeyaan ingriiska, waxaan rabey inaan kireysto taksi oo aan rabey inaan ku aado hodhel ii kireysnaa oo ku yaalo magaalada bartamaheeda balse taksiilihii ayaanu isafgaranwyney, mudo 20 daqiiqadood ka dib ayan fikirey oo waxan dib oogu laabtey garoonka qeybta ka soo degida, waxaan raadiyey qof ku hadli karo luuqada ingriiska si uu iga caawiyo taksiilaha oo u usheego meesha aan doonayo, mudo ka dib ayan ka so tagey degada oo waxan imid Hodhelkii, labo chisho ayaan hurdayey maxa yeelay aad ayan u daalanaa oo safar kale ayaa i sugayey...malintii labaad ayaan u soo dhaadhacey magaalada si aan u helo meel aan wax ka cuno, maqaaxiyadaha badankood waxa lagu iibiya cuntooyinka shiinaha oo aad kaaga fajacinayo marka kugu horeyso..anigoo is leh tolow maxaad ka cuni kartaa halkan ayaan waxan arkey (Lamian) waa paasto shiineys, waxaa laga sameyey bur oo itooda badan wey cunaan. anigoo aad u gaajeysan ayaan waxan cuney cunadii, ma garan iney macantahey iyo kale balse gaajo ayan u cuney. mudo ka dib ayan waxan dareemey xanuun xaga calosha ah, aad ayan ula fikirey oo waxan is iri malaga yaabaa inaad cuntey bahalo ama cayayaan aanan la garaneyn oo aad lakulantaa xanuun lixaad leh...isla markii ayaan waxan wacey safarada somalida oo aan ka wareystey bal iney iga caawini karan xaga luuqada si aan u tago cusbitaal, waxey ii qoreen address aan aad ooga fogeyn hudhelka aan deganahey. waxan tagey cusbitaalkii oon u sheegay xanuunkeyguu waxeyna iso qoreen dawoonyin... sadex saacadood ka dib ayaan isku diyariyey inaan u baxo xaga magaalda shanghai oo sadex saacdood diyaarad ah loo safro, Beijing waa magaalo aanan aad u weyneyn balse aad iyo aad u dad badan oo aadna u qurux badan.
Saacado ka dib ayan ka soo dagey degada diyaaradaha ee (Hongqiao)shanghai oo ku yaala duleedka magaalada, waa garoon aad u weyn quruxna badan. nasiib wanaag waxan la kulmey nin tagsiile ah oo si wanagsan ugu hadala luuqada ingriiska, waxan tusey addresska Hodhelkii aan degi lahaa ka soo aanu u soo soconey labo saacadood. Hodhelku waa mid iska wanaagsan oo adeegiisu wanagsanyahey, shaqalahu badankiisu wey ku hadlaan ingriisku hadane waaxa ey ii sahleen inaan helo dukaamada aan ka iibsan karo cunooyinka shisheeye. cunada wadankan waa mid marna kaa yaabineysa marna ku sualeysa hadaad cunto maxad kala kulmi kartaa. aniga mudoyinkii aan joogey cunooyin badan ayan cuney oo dalkeena laga wiswiso ama laga lalaboodo, waxaan cuney Raha, qoroto iyo bisad oo intooda aan u cuney si qasad ah bil inaan tijabiyo. dadku isku dareen maha dad badan ayaa laga yaabaa iney yiraahdaan waa bahal cun jaajaaf balse waa waayo aragnimo. shanghai waa magalada aad iyo aad u qurux oo shineysku badankood ugu magac daraan (ASIAN PARIS), dadku ku nool badankoodu waa dadyow ka kale yimid gobolada kale iyo xitaa dunida inteeda kale, waxaa ku nool magaladan reer galbeed aad u fara badan oo wax ka barta ama ka shaqeeya iyagoo aad looga tixgaliyo bulshada inteeda badan. hadaba aniga waxan ka imid africa hadane somaliya oo ah wadan dagaalo in badan sameyey, waxa dhacdey in in badan la isualo wadankeyga markaan ku iri somali ayan ahey intooda badan magaca somali waxa dhagahooda ku soo dhacayo Burcad badeeda, aad ayan ula fajacey arinkaas in wadankaada lagu soo xasuusto Burcadnimo waa wax aad looga xumaado. shineysku badankood ma kala garanayaa wadamada afrika oo waxey kugu magacaabayaan afrikan balse reer galbeedku wadamdooda ayaa muhiim ah. hadaad mareykan ka timid waxaad tahey nin (mei) qani ah oo waxey yiraahdaan mareykan waa qani waana lama taabtaan, afrikaan hadaad taheyna waxaad tahey qof macaluulsan oo dhaforkiisu ka muuqato rafaad inta badan bulshadane waad ka takoorantahey. si kastaba ha ahaatee aniga ilaa hada wax dhibaato ah kalama kulmin oo inta badan taxadar badan ayaan muujiyaa.
La soco qeybta labaad
No comments:
Post a Comment