Tuesday, January 25, 2011

Isdhexgalku waa Muhiim


Maanta anigoo supermarketka wax ka gadanayo ayaan waxaan la kulmey wiil aanu saxiib nahey oo u dhashey dalka sacuudiga iyo xaaskiisa, waanu isa salaamney ka dibna weynu kala tagney. muda gaaban ka dib ayaan hadane waxeynu ku kulaney meesha kashiyerka/cashier, xaaskiisu waa wadaad oo wey wada dadantahey xitaa gicmaha waxey ku wadataa gloves(manshallah). inta badan shineysku markey arkaan qof aanu indho yar aheyn aad ayey u eegaan oo dee intooda badan ma eysan arag qof shisheeya ah waxanan ka aheyn iney TVga ka dawadaan. inteynu wada shekeysaneyney ayaa agagaarkena waxaa soo buuxdhaafiyey shiineyskii oo waxaad modaa in aanu nahey dambiilayaal qaabka ey inoo eegayeen, gabadhu mudo dheer ayey halkan joogtey oo wey la qabsatey walahi xitaa ma eysan eegin balse anigii ayaa waxaa igu dhalatey fikir ku aadan hadii dabcan qof dumar somaliyeed ah ey timaado halkan oo doneyso iney wax ka barato amaba ka ganacsato waxaa ku dhalaneyso fikrad qaldan oo ah iney shineysku yihiin kuwa midab takoor badan balse dhab ahaantii shineysku intoodu badan ma aha cunsuriyeen waxaanan ka aheyn in yar oo iyagu reer galbeedku ku beerey naceybka. magaladan waa magaalo aad u weyn oo horumar ahaan lala bardhigo paris balse waxey kaga duwantahey shineysku intoodu badan waa kuwo ku eg dalka gudihiisa oo ma helaan fursad ey dalka dibadiisa ku aadaan si ey isku dhexgal ugu noqoto qomiyadaha kale duwan ee dunida. anigu qudheydu mudooyinkii iigu horeysey aan imid halkan aad ayey iigu adkeyd inaan la qabsado oo mar walibo markey si aanu ilbaxnimadu ku jirin ii eegaan aad ayaan ula yaabi jirey, xitaa waxaan isweydiin jirey heedhe ma qalad ayaad gashey mise TVga ayey mid ii eg ka arkeen. lakiin xaqiiqdii shineysku waa dad lala macaamiili karo, waxna lala wadaagi karo waa hadii aad isfahmeysaan.
Kawaran hadii qof shineys uu tago somaliya, waxaan aaminsanahey in la dabo ordi lahaa oo uusan heli laheyn fursad uu xitaa wax ku iibsado. waxaan xasuusta sanadkii inaga tagey in puntland ey iska musaafurisey nin u dhashey shiinahaha oo socdaal ugu sii jeeday konfurta somaliya, waxa warbaahinta qaarkood ey qoreen sida laga soo xigtey ninkaas in somalidu ey aad ula yaabeen damaciisu ku aadan inuu socdaal ku soo maro gobolada juboyinka oo Shababku kacanta ku hayaan, lakiin waxuu sheegey inuu aad ula fajacey qaabka amaba fikrada somalidu ka aaminsanyihiin shineysku amaba indhoyarta gabi ahaan....taasina waa dhab oo umad waliba fikrad ayey mida kale ka aminsantahey marka halkan shineysku waa la mid oo qof madow markey arkaan waxa cagligooda ku soo dhaceyso gaajo, dagaal iyo dhibaato madaama inta badan warbaahintu muujiyaan saiwro noocaas oo kale ah....

No comments: