While browsing the net for poems i came across these interesting Somali poem, 100yrs after it was written it means alot than those periods.........am sorry if some of you cant understand what it means, i wish i could translate in English but takes me time to do. here it goes Gabaygan waxaa tiriyay Sayid Maxamed Cabdile Xasan mudo hadda laga joogo 100 sano. Sayidku wuxuu ka gabyey xilligaas xaalada halgankii jihaadka ee daraawiishta. Maantana waxaad arkaysaa inuu isla gabayganu khuseeyo arinta maanta taagan waayo waagaas uu ka gabayayey dadkii caqabada ku ahaa halganka iyo danaha umada Soomaaliyeed maantana wayba muuqataa. Tixdan markaad dhuuxdo waxaad ogaanaysqaa micnaheeda qarnigii tagay iyo qarniganban.Wuxuuna ku bilaabay sidan:
Doodan waxaan u leeyahay dumarkiyo caruurtoo
Dadkii idinka waynaa hadday idin duleeyeen
Dambi kama ay yaabine cuntay idinka doo
Duunyaa la dhaafsaday dugsigaad galeeyseen
Dameerkuna ma yeelen halkay talo ku daysteen
Dab intay shideen bay dalaq idinku siiyeen
Doox intay qodeen bay ciid idinku daadsheen
Nin idiin damqanayaa idinkama dambeeyee
Hadaydaan digtoonaan daad bay idin qaadiye
Duleedada kufaartaa dacas idinku laynoo
Naf dalkaaga doonaysaa firaash looma daadshee
Dabkan aan shidaayaa daawadiina weeyee
Dariiqii rasuulkiyo dawga ha ka baydhina
Gabayga iyo gogol-dhigga ka horeeyaba waxaa ku deeqay Cabdullahi Faysal Faarax
No comments:
Post a Comment