In badan ma aanan qorin Luuqada afka somaliga, mararka qaarkood waxaan is oraahdaa tolow ma ilow doontaa afka soomaaliga. Hadaba maanta waxaan go'aansadey inaan bogaan ku qoro af-soomaali, in badan ayaanan fahmeynin qoraalkeyga maxaa yeelay kuwa aanan soomaali aheyn ayaa akhrista si kastaba ha ahaatee aan idin wado sheekada.
waxaan halkan joogaa mudo sanad iyo bilooyin ah, waxyaalo badan ayaan bartey oo aanan horey aqoon u laheyn, waxyaalo badan ayaa iga yaabiyey oo intooda badan aanan iloowi karin.
intaanan iman halkan, Dalkani waxuu igu ahaa sheeko oo ma aanan la kulmin cid tiri waxan ka imid shiinaha oo aan ka wareysto sida dadka ka yimaada mareykanka ama yurubta qaarkood. magaalada aan ku noolahey waa caasimada labaad ee dalka waxaana ku nool dad lagu qiyaaso 20 milyan waxaana maalin walbo socdaal ku yiimaada hal milyan iyo bar, magaalada aad ayey u qurux badan tahey oo waxaa ku yaala wadoonyin aad u qurux badan iyo daaro dhaadheer oo wada iftiimayo habeenkii. xaga socdaalka ayaa aad u sahlan oo badanaa waxaad heleysa taksi ama basas amaba trainada dhulka hoostiisa mara oo aad u dheeraya oo ku geynayo meesha aad rabto. aniga badanaa waxan isticmaala trainada oo si dhaqso ah aan ugu tago magalada bartamaheeda ama duleedkeeda hadba meesha aan doonayo.
Dalkani waa ku nool umad fara badan oo aanan isku dhaqan aheyn, isku luuqad aheyn marka laga reebo afka shiineyska oo guud ahaan dalka dhan looga hadlo, laakiin intooda badan waa isku dabeecad oo shiineysku badankood hal dabeecad ayey leeyihiin. waa shaqo.......intooda badan waa dad jecel iney shaqeystaan oo ey xamaashaan, waa dad la tartamayaya dunida oo waxey ku fikirayaaan sidey uga sara mari lahaayeen reer galbeedka.
Wadankani waa inaad yaabtaa inta badan, waa inaad fikirtaa, fikir dheer aad gashaa, waa inaad xanaaqdaa, balse badanaa aad dul qaad muujisaa. mararka qaarkood waan fikiraa oo waxan fikiraa fikir dheer oo mudo qaato sida qof riyoonayo balse waan so jeedaa oo ama fasalka ayan ku jira ama meel ayan fadhiyaa, mararka qaarkood Kaligey ayaa iska qoslo oo dee waxaan soo xasuusta waxan arkey maalmo ka hor ama saacado ka qor, mararka qaarkood waan iska xanaaqaa oo dee waxanan u dulqaadani karin ayaan arkaa. markaad wadada mareyso ama dee aad la kulanto shiineyska ayaa suaasha ugu horeyso ey ku weydiinayaa ayaa ah wadankeed u dhalatey? suashan ayaa qiyaas ahaan maalintiiba waxaa la i suaalaa in ka badan 10 jeer, oo midkaad la kulantabo wuu ku suaalaya, kan Hodhelka jooga mida tukaanka gadayo oo aad wax ka gadaneyso iyo kan aad wadada ku kulantaan. aniga waxan u sheegtaa kenyan ama wadan kale maxaa yeelay markaan ku iraahdo waxan ahey soomaali isla markiiba waxey igu oranayaan waxaad u dhalatey wadanka burcad badeedka oo qaarkood ayaa kugu kaftaminaya ma waxaad burcad badeed. si kasta ha ahaatee shiineysku waa dad jecel shisheeyaha gaar ahaan reer galbeedka oo waxey aaminsanyihiin hadaad tahey afrikaan iney soboolnimo iyo cudur Aidska ku dilootey taaso dee markii dhabta loo waramo ah mid runtii ah.
shineysku ma dagaal badno oo ma aha gacanta ka horeyso sida somalida, kuwii is fahmi waayo wey isku qeyl qeylayaan dabadeedna wey kala tagaan ama pooliska ayey iskugu yeeraan lakiin hadaad tahey nin shisheeye ah ood la dagaasho shineys magalada bartamaheeda oo meel kastaba ha ahaatee wey kuu dhamaatey, cid walbo ayaa ku dileysa oo Habarta mako muse ka weyn oo kici la ayaa budkeeda so qaadaneyso oo dee ilbiriqsi ayaa hal milyan feer iyo laad iyo wax walbo ey kugu dhufani karaan kugu dhufanayaan. marka adigoo lagaa gar daranyahey ayaad ogalaaneysa inaad qaldantahey oo qaladkaada ayaa qiraneysa. aniga cidna lama murmo cidnana wax kuma darsado waxaanan ka aheyn salaan iyo shekeysi. soomaalida ayaa waxey ku maahmaahdaa dantaada maqaar ey ayaa loogu jiiftaa.
Nolasheyda ayaa is badashey, waxyaalo fara badan ayaa iska key badaley, xaga dabeecada, xaga dhaqanka iyo xag walbo. qof soomaali sheegta weli ma aanan la kulmin intaan halkan imid oo african kale ayaa walaal ii ah, waa dee dad intooda badan aanan isku diin aheyn iyo isku dhaqan ba, marka waxyaalo badan ayanan isku fahmin waxey somalidu tiraahdo jareer ama jamaica ha joogo amaa jamaame waa jareer. taasina been ma aha, africanka si kasta hadey ilbax u yahiin dee waa jareer oo wax unbaa ka qaldan. aniga waan iskala sheekeysta waana iskala baashaalaa lakiin inta badan danteyda ayaan ilaashadaa.
Dhinaca waxbarashada ayaa ah mida iigu adag oo ma sahlana luuqadani, waxaan isku fasal dhiganaa ardey shiineys ah oo dadoodu ka yar tahey 17 jir ilaa 19, waa ardey aad u yar yar oo weli caqli fara badan aanan laheyn marka waxaan aad u dhibsadaa ficiladooda oo ah mid caruurnimo ah sida cuntada ey fasalka dhexdiisu ku cunaan iyo waxyaalo badan oo 14 am 16 jir caruurteena ah uusan ku dhaqmeyn. mararka qaarkood waan iskaga baxaa fasalka iyadoo cashirku socdo oo banaanka ayaan aadaa si aan aan isku dajiyo ama hawo badalan aan ku helo maxaa yeelay waxaadan u dulqaadani kari urka cuntada qaarkood ey cunayaan, waxan isweydiiyaa tolow maxey cunayaan ma bahal baa mise waa bakhti. buugaagteyda ayaa ah kuwo gabi ahaanba ey ku qoranyihiin qoraalka shiineyska, ma wada akhrini karo farta shiineyska balse waan ku dadaalayaa inaan wada akhriyo lakiin waxey qaadaneysaa mudo dheer. cashirada qaarkood markuu professorka akhrinayo waxbo kama fahmo oo waxaad arkeysaa iyagoo wada qoslayo oo igu qoslayo ka dib ayaan soo bararugaa oo aan suaala ardeyga igu dhaw, marka waa arin aanan sahlaneyn inaad daruus ku qaadato afka shiineyska adigoonan aheyn shineys.
isku soo wada duuduubo wax badan ayaan faiidey, wax badan ayaan qasaarey, wax badane waa ii dhimanyihiin oo isku jira balse waxaan alle ka baryayaa inoo wanaaga ila kulansiiyo
No comments:
Post a Comment